4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 9 , 2019
Ciidamada dowladda oo xalay howlgallo ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

 

Talaado, April, 09, 2019 (HOL)- Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay magaalada Muqdisho ka sameeyay howlgal gurguri loo baarayo qeybo ka mid ah xaafaddaha degmooyinka gobolka Banaadir.

Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgalada qeyb ka yihiin qorshaha la doonayo in lagu sugo Amniga magaalada Muqdisho oo waayadii ugu danbeeyay ahaa mid faraha ka sii baxaya.

Howlgalka inta u socday ayeey ciidamadu dibada u soo saareen dhalinyaro farao badan kuwaa oo lagu sameeyay baaritaanno qaarkoodna la sii daayay halka kuwa kalana wali gacanta ku hayaan laamaha Amniga.

Howlgalkan ayaa daba socda howlgallo is-xig-xiga oo habeenadii la soo dhaafay laga sameeynayey xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

Magaalada Muqdisho ayaa wali u kala xiran degmo degmo oo aan la ogoleyn in ay gaadiidku isaga gudbaan, taasoo dhibaato weyn ku ah isku socodka dadka reer Muqdisho oo ay qasab ku tahay in halkaa ay markii hore ku tagi jireen hal gaari hadda ay ku qaadaneyso ugu yaraan labo koorso oo ay Lug-na u dheer tahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]