4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 8 , 2019
Eng Yariisoow : Cid dalkan hajabaad iyo maleeshiyaad ku heysan karta ma jirto

 

Isniin, April, 08, 2019 (HOL)– Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo markii ugu horeysay ka hadlay arrimo xasaasi ah oo dhamaantooda quseeya Amniga iyo siyaasada ayaa ku goodiyay in cid dalkan maleeshiyaad iyo hajabaad ku heysan karta aysan jirin.

Mar uu soo hadal qaaday arinta Muuse Suudi Yalaxoow iyo dhulkii xerada Mariino ayaa sheegay in wali go’aankii uu maamulka gobolka Banaadir uu ka soo saaray xerada Mariino uu sidiisii yahay mar aan dheereynna la banneyn doonno.

‘’Waxaa iman doonta maalin aan dheerneyn cid kasta oo hoggaamiye kooxeed ah ama dalkan dhibaato ka geysatay in la maxkamadeey-nayo, waa nasiib darro in maanta ay soo baxaan dad sheeganaya in ay dukumiinti u heystaan dhulka Xeraddii Mariino’’ ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa taagnaa xiisad ka dhax aloosneyd maamulka gobolka iyo Muuse Suudi Yalaxoow oo ah Senator ka tirsan golaha Aqalka sare kana mid ah siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka caanka ah ee degan xeraddii Mariino.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Muuse Suudi Yalaxow oo la xiriira xiisada ka dhalatay go’aankii uu maamulka gobolka Banaadir ku amray in laga baxo ama laga guuro xaraddii Mariino, hasse ahaatee ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Senator Muuse Suudi arintaan ku gacan seyray.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisoow ayaa sheegay in ka maamul ahaa doonayaan dhulka xeraddii Mariino uu noqdo ay degaan safaaradaha oo ah meelo Diblomaasiyadeed, wuxuuna xeradan ku sheegay iney tahay meel dowladeed.

Mar uu soo hadal qaaday Amaanka gobolka Banaadir ayuu sheegay in dowladdu ku dadaashay sidii wax looga qaban lahaa nabad-galyada magaalada Muqdisho, laakiin ma uusan soo hadal qaadin sida ka maamul ahaan u arkaan carriiriga ka jira magaalada iyo jidadka wali xiran.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]