4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 8 , 2019
Khadar Adan Jigre oo xoriyadiisii dib u helay iyo dibadbaxyo ka dhacay Jigjiga

 

Isniin, April, 08, 2019 (HOL)– Waxaa xabsiga laga siidaayay maanta Khadar Adan Jigre oo muddo 2 todobaad xabsi degaanka ku yaal ku jiray.

Khadar ayaa u xidhnaa hadalo uu ka yidhi Warbaahinta kuwaas oo lid ku ahaa xukuumadda degaanka ka arrimisa isla markaana xasiloonidda magaalada wax u dhimaysay.

Khadar Adan Jigre ayaa siidayntiisa waxaa soo dhaweeyay dhammaan Shacabka degaanka.

Dhinaca kale magaalada Jigjiga ayaa maanta waxaa ka dhacay dibadbaxyo ay sameeyeen dad shacab ah, dibad-baxan ayay dadku ku dalbanayeen in lasiidaayo Axmednur Saahid oo ahaa ninkay isla xidhnaayeen Khadar Adan Jigre oo isagu maanta la siidaayay.

 

Haddaba qaar k amid ah eheladii Axmednur Saahid ayay ciidanka amnigu xidheen kuwaas oo ku jiray dadkii dibad-baxan sameeyay.

Axmednur Saahid ayaa la isla qabtay Khadar Adan Jigre waxaana labadoodaba loo haystay Waraysi ay siiyeen Warbaahinta oo ay dawladda kaga soo horjeedeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]