4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 8 , 2019
Madaxweynaha Puntland oo u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta

Isniin, April, 08, 2019 (HOL)– Madaxweynaha Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi oo uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta,sida ay sheegtay madaxtooyadda Puntland.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyey safarka uu ugu ambabaxay Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana uu tilmaamay in safarkani ku qotomo adkaynta xidhiidh ka labada dhinac ee arrimaha ganacsiga.

"Waxaan rajaynayaa muddada aan ku maqanahay howllo dhowr ah oo dalka Imaaraadka iyo Puntland u dhexeeyey aan kasoo wadahadalno oo ay ugu muhiimsan tahay sidii labada ganacsi loo sii xoojin lahaa oo ay ugu horayso xoolaha Puntland oo waayadaan laga joojiyey dalka Imaaraadka sidii loo furi lahaa". ayuu yiri madaxweyne Deni oo inta ku daray "Sidoo kale maaddaama Puntland ay garoomo casri ah dhisatay sidii diyaaradaha Imaaraadku u imaan lahaayeen Boosaaso iyo Garoowe iyo Arrimaha DP WOLRD".

"Dawladda Imaaraadku waxay naga caawisaa ciidanka PMPF oo shaqo weyn ka haya dhinaca xeebaha iyo ladagaalanka argagixisada oo ayana u baahan horumarin dhinaca ciidanka ah maaddaama ay culays amni soo bateen, siday nooga taageeri lahaayeen in aan kala hadalno iyo arrimaha ku saabsan horumarinta dhinaca dhaqaalaha". ayuu raaciyay madaxweynaha Puntland.

Safarkan ayaa noqonaya midkii ugu horreyay ee dibadda uu ugu baxayo madaxweynaha Puntland, tan iyo markii xilka loo doortay siddeedii bishii Jannaayo ee sannadkan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]