4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 8 , 2019
Rakaab diyaaradeed oo difaacay muwaadin Soomaaliyeed oo la masaafurin lahaa

 

Isniin, April, 08, 2019 (HOL)– Axmed Yacquub oo ah Nin Soomaali ah oo la doonayay in laga masaafuriyo dalka Britain ayaa uga mahad celiyay rakaab la socday diyaaradii uu sii qaadi laheyd Turkiga gacantii ay ka siiseeyeen in Laamaha Amniga u suurtagalin masaafurintiisa.

Rakaabkii la socday diyaarada lagu qaadi lahaa Axmed Yacquub oo ka duuli laheyd Heathrow Airport, ayaa ka dhiidhiyay in la kaxeeyo Yacquub, iyaga oo ku qeylinayay eryo ay ku muujiyaan sida ay uga xun yihiin wiilkaa dhalinyarrada ah laga fogeeyo qoyskiisa, taasoo ugu danbeyntii ku qasabtay Laamaha Amniga iyo saraakiishii la soctay in ay ka dajiyaan diyaarada.

Sawirro laga soo qaaday gudaha diyaarada ayaa la arkayay rakaabka oo caawinaya Axmed kuna qeylinaya erayo ay ka mid ahaayeen ‘’ Waxey doonayaan in ay kala fogeeyaan isaga iyo Qoyskiisa’’

Wilkan oo mudo 10 sano ka hor kufsi ka geystey dalka ingiriska ayaa lagu wadey in Ingiriska laga masafuriyo, balse rakaabka iyagu war uma heyn sababta musaafurintiisa iyo ay la xiriirtay uu qeyb ka ahaa wiilkan kufi wadareed isaga iyo rag kale ay u geysteen gabar da’yar oo 16 sano jir aheyd.

Axmed ayaa xiligan waxaa gacanta ku haya laamaha Amniga isaga oo ku jira xabsi ay gacanta ku hayso laanta socdaalka iyaga oo saraakiisha isku dayayaan in ay ku daraan duulimaad kale si dalkiisa dib loogu soo celiyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]