4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 8 , 2019
Guddoomiyaha Aqalka sare oo shirka Baarlamaanada Aduunka uga qeyb galay magaalada Dooxa

 

Isniin, April, 08, 2019 (HOL)– Wafdi heer sare ah oo ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa ay ka qayb galayaan shirka 140-aad ee midowga Baarlamaannada Adduunka, kaas oo haatan si habsami leh uga socda magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Shirkan 140-aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka waxaa guddoominaya Guddoomiyha Golaha Shuurada ee Dowladda Qatar,waxaana shirkan la qabtaa sanadkiiba mar,waxaana inta badan diirada lagu saaraa hadba xaaladda taagan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamo gaargaar ah laqaatay qaar kamid ah Guddoonada dalalka kasoo qeyb galay shirkaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]