4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 8 , 2019
Ciidamada dowladda oo baaritaanno ka wada dulleedka Muqdisho

 

Isniin, April, 08, 2019 (HOL)– Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa wali sii wada howlgalo culus oo ka soconaya deegaannada dulleedka Muqdisho, gaar ahaan ceelasha biyaha oo dhawaan saraakiisha hay’addaha Amnigu sheegeen in laga soo qabtay hub iyo qaraxyo ay halkaa ku diyaarinayeen Al-shabaab.

Saacadihii ugu danbeeyay ciidamada ammaanka ayaa baaritaano ka sameeyay deegaanka Ceelasha Biyaha, iyadoo ciidamada baaritaan guri guri ka sameeyeen.

Ciidamada ayaa ka soo saarayay dhalinyarada guryaha xili habeenimo kuwaa oo markii danbe leysugu geeyay meel fagaaro ah.

Waxaa sidoo kale iyaguna jiray howlgalo ciidamadu ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Dhamaan howlgaladan ayaa u muuqda mid ay dowladdu uga gonleedahay xaqiijinta nabad-galyada magaalada Muqdisho oo maalmihii ugu danbeeyay wehel u noqtay qaraxyo joota ah dilal qorsheysan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]