4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 8 , 2019
Hay’adda WARDI oo war ka oo saartay dhacdadii Isbitaalka degmada Xamar Jajab

 

Isniin, April, 08, 2019 (HOL) –Hay’adda WARDI oo ka mid ah hay’addaha maxaliga ah ee ka howlgala guud ahaanba dalka Soomaaliya, ayaa qoraal ay la wadaagtay Hiiraan Online waxaa ay kaga hadashay dhacdadii 3dii bishan April 4:30 ee habeenimo ka dhacday isbitaal hay’addu ku leedahay degmada Xamar Jajab oo la sheegay in uu adeeg u qaban waayay Hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Khadro Maxamed oo xiligaa ku jirtay waqtigeedii foosha.

Qoraalka hay’adda ayaa lagu sheegay in uusan jirin wax dhaqaale ah oo lagu xiray qofkaa muwaadinka Soomaaliyeed ah, guud ahaanna marka la eego isbitaallada ay maamulaan loogu adeego dadka si bilaash ah [Lacag la’aan]

Balse taa badalkeeda gabadha Umulisada ah weydiisay Khadra bal haddii ay jiraan dad ehel u ah oo la socda si loo caawiyo, madaama marka adeeg caafimaad loo qabanayo qof bukaan ah ay muhiim tahay in la helo ugu yaraan qof ehel ama Waaladi ah oo la socda, intaa kaddib Khadra ayaa bilaawday in ay dibada uga baxdo isbitaalka iyada oo Umulisada u sheegtay in ay talleefoon ka wacaneyso eheladeeda.

Balse nasiib darro Meel dibada ka ah isbitaalka ayeey sheegtay hay’addu in ay foosha ku qabtay Khadra waxaana u soo gurmaday qof kale oo isla shaqaalaha isbitaalka ka mid ah oo ka caawiyay foosha, intaa kaddibna waxaa loo qaaday isbitaal kale oo lagu magacaabo Yardimeli iyadoo uu wehlinayo mid ka mid ah dhakhaatiirta Isbitaalka oo bixiyay lacag dhan $ 250 dollar [the hospital bill ]

 

‘’In isbtitaal kale loo qaado waxaa sababay buuq ay sameeyeen dad goobta ku soo xoomay, laakiin mar walba hay’adda WARDI si dhaw ayeey ula soctay caafimaadka Khadra iyo Ilmaha yar’’ ayaa lagu yiri Qoraalka.

Tan iyo wixii ka danbeeyay dhacdada ayeey hay’addu sheegtay in ay si dhaw ula shaqeysay maamulka degmada Xamar Jajab, Saraakiisha Wasaarradda caafimaadka iyo waliba Hay’adda CID si wax badan looga ogaado dhacdada iyo daruufaha ku hareereysan.

Hay’adda ayaa ugu danbeyntii sheegtay dhamaanba isbitaaladeeda ku yaala dalka Soomaaliya in dadka loogu adeego lacag la’aan, waxaana ay waxba kama jiraan ku tilmaamtay eedeymaha ah in lacago la weydiiyo bukaannada soo booqda isbitaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]