Isniin, April, 08, 2019 (HOL) –
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan
Cumar Cismaan Yariisoow ayaa sheegay in dalka uu u baahan yahay xasilooni
siyaasadeed, isaga oo khudbad ka jeedinayay munaasabad abaalmarino lagu
guddoonsiinayay dhalinyaraddii ka qeybgashay tartanka Orodka Gaabsan ee lagu
qabtay Muqdisho.
Wuxuu soo hadal qaaday kulankii
Sabtidii aynu soo dhaafnay ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee lagu kala
tagay, waxaana uu guddoomiye Yariisoow khudbadiisa ku sheegay in haddii ay
Siyaasiyiintu ka qeybgali lahaayeen Tartankii Oradka ee Jimcihii lagu qabtay
Muqdisho aysan dhici laheyn wixii ka dhacay Golaha Shacabka maalintii Sabtida.
‘’Siyaasiyiinta waxaa laga
doonayaa in ay ogaadaan in Amnigu muhiim yahay iyo in laga shaqeeyo xasilooni
siyaasaddeed ayuu yiri ‘’guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Wuxuu sheegay in dhamaaba laamaha
dowladda kala shaqeyn doonnaan sidii dalka loogu heli lahaa degenaasho
siyaasaddeed iyo sidii wax looga qaban lahaa guud ahaan nabad-galyada.
Hadalka guddoomiyaha ayaa imanaya
xili kulankii ugu danbeeyay ee Golaha Shacabka Sabtidii toddobaadkan ku kala tageen
iyaga oo waliba warbaahinta isku marinaya eedeymo culus oo dhamaantood la
xiriira aragtiyada ay kala qabaan.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]