4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 8 , 2019
Duqa Muqdisho ‘’ Dalkan wuxuu u baahan yahay xasilooni siyaasaddeed

 

Isniin, April, 08, 2019 (HOL) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa sheegay in dalka uu u baahan yahay xasilooni siyaasadeed, isaga oo khudbad ka jeedinayay munaasabad abaalmarino lagu guddoonsiinayay dhalinyaraddii ka qeybgashay tartanka Orodka Gaabsan ee lagu qabtay Muqdisho.

Wuxuu soo hadal qaaday kulankii Sabtidii aynu soo dhaafnay ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee lagu kala tagay, waxaana uu guddoomiye Yariisoow khudbadiisa ku sheegay in haddii ay Siyaasiyiintu ka qeybgali lahaayeen Tartankii Oradka ee Jimcihii lagu qabtay Muqdisho aysan dhici laheyn wixii ka dhacay Golaha Shacabka maalintii Sabtida.

‘’Siyaasiyiinta waxaa laga doonayaa in ay ogaadaan in Amnigu muhiim yahay iyo in laga shaqeeyo xasilooni siyaasaddeed ayuu yiri ‘’guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay in dhamaaba laamaha dowladda kala shaqeyn doonnaan sidii dalka loogu heli lahaa degenaasho siyaasaddeed iyo sidii wax looga qaban lahaa guud ahaan nabad-galyada.

Hadalka guddoomiyaha ayaa imanaya xili kulankii ugu danbeeyay ee Golaha Shacabka Sabtidii toddobaadkan ku kala tageen iyaga oo waliba warbaahinta isku marinaya eedeymo culus oo dhamaantood la xiriira aragtiyada ay kala qabaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]