4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 6 , 2019
Wasiirro ka qeybgalay furitaanka Bankiga Amaana oo laga hergaliyay magaalada Muqdisho


Sabti, April, 06, 2019 (HOL) –Wasiirro ka tirsan xukuuumadda Soomaaliya, Xisaabiyaha guud ee Qaranka xildhibaanno iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maanta ka qeybgalay munaasabada furitaanka Bankiga Shirkadda Amaana.

Cabdirisaaq Xusseen Maalin guddoomiyaha Bankiga Shirkadda Amaana ayaa sheegay Xawaallada ay muddo ku dhan 20 sano u shaqeyneysa shacabka Soomaaliyeed islamarkaana ay ku faraxsan yihiin in maanta u gudbeen Bankiga oo muhiim u ah sida uu hadalka u dhigay bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaarradda Ganacsiga Maxmed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in maanta la daah furay Bankiga shirkadda Amaana isaga oo sheegay in uu noqonayo Banki cusub oo ku soo kordhay guud ahaanba hay’addaha Maaliyada Soomaaliyeed.

‘’Shirkadda Amaana ma cusba waxaa shirkad runtii muddo dheer u shaqeysay shacabka Soomaaliyeed, howlo nadiif ahna soo qabatay, maantana haddii ay ku dartay Bankiga runtii waa arin la soo dhaweeyo’’ ayuu yiri Maareeye.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarradda Maaliyada ayaa sidoo kale dhinaciisa soo dhaweeyay furitaanka Bankiga Amaana isaga oo sheegay in guud ahaanba marka la eego Bankiyada kala duwan ee dalka ka jira ay hoos u imanayaan wasaarrada Maaliyada iyo Bankiga dhexe ee Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo gudaha dalka Soomaaliya xariga laga jaro qeybtan cusub ee Bankiga shirkadda Amaana

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]