4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 6 , 2019
Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo ka hadlay dacwada ka dhexeysa Jabuuti iyo Ganacsade Geelle Arab

Sabti, Apriil,06,   2019  (HOL)- Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa si adag uga hadlay muranka ka taagan dacwadda ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo khilaaf soo kala dexgalay isaga iyo Dawlada Jabuuti.

Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee WADANI Cabdiqaadir Jirde ayaa sheegay in madaxweynihii Somaliland uu dhinac noqday oo uu la saftay Jabuuti iyo Baanka Faransiiska ah ee dacweynaya Ganacsade Geelle Arab, waxaanu ku tilmaamay jawaabtii madaxtooyada mid aan looga fadhiyin.

Sidoo kale JIrde waxa uu sheegay in hantidda ka maqan ganacsadaha looga doono dawlada Jabuuti, marka hantidiisa loo celiyo uun uu ka garbixi karo Baanka doonaya lacagtii laga amaahday.

“ganacsade Axmed Cismaaan Geelle Waa maalgashdaha ugu weyn Somaliland ee dalkeena maalgaliyey, wuu garnaqsaday, xukuumaddu waxay wakiil ka noqotay baanka iyo Jabuuti, nimankii dhex dhexaadka noqon lahaa way xukumeen, waxayna ku yidhaahden  Ganacsaduhu waa tuug dambiile ah oo dal shisheeya ah soo dhacay, waxa ku eedeeyeen inuu xasilooni dadka ku abuurey waxay ku eedeeyeen inuu ictiraafkii dib u dhigay.”ayuu yidhi Cabdiqaadir Jirde gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga WADDANI.

Waxaanu intaas ku daray “madaxweynuhu Inuu wakiil u noqdeen dawladii jabuuti  waa wax aad looga xumaado oo umadii kala qaybisay oo qaranimada shaki galisay, lagama fileen inay xukuumadu talaabadaasi ku dhaqaaaqdo, waxay ahayd inuu isku soo jiido oo xog badan qaato, maantana wax lagu aamini kara ma jirto oo arrintaasi lagu aaminayo isaga iyo maxkamadaha toona waayo dhinac bay noqdeen”

Dhinaca kale, xisbiga WADANI waxa uu sheegay in natiijo la’aan ku dhamaatay kulamadii saddexda xisbi ay ka yeelanayeen doorashooyinka la filayey inay ka dhacaan sanadkan dhamaadkiisa, waxaanu sheegay in weftigii reer Yurub ee u yimid arrimaha doorashooyinka iyagoon war buuxa la siin iska noqdeen.

“Safiiro ka socda dalalkii daneeyeyaasha doorashooyinka oo canaan iyo digniin la yimid baa inoo yimid, waxayna noo sheegeen in hadii la qaban waayo ka tashan doonaan Somaliland, iyadoo war buuxa la siin ayey noqdeen.”ayuu yidhi Jirde oo ka hadlayey arrimaha doorashooyinka iyo dib u dhaca mar labaad la filayo inuu ku yimaado doorashooyinka golaha Wakiilada iyo deegaanka.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.