4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 6 , 2019
Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea oo Muqdisho soo gaaray

 

Sabti, April, 06, 2019 (HOL) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cusmaan Saalax iyo La Taliyaha Madaxweynaha Eritrea Yemane Gabreab ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Wafdiga waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah Axmed Ciise Cawad iyo mas’uuliyiin kale.

Ujeedada safarka Wasiirka Arrimaha dibadda Eritrea ayaa la sheegayaa in ay la xiriirto arrimaha iskaashiga Gobolka iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea, waxaase la sheegayaa in dowladda Soomaaliya ay ashkato ka keentay safarkii uu bishii la soo dhaafay ku tagay Hargeysa.

Wafdiga ayaa loo gudbiyay dhinaca maadxtooyada Soomaaliya halkaa oo lagu wado in ay kulamo kula yeeshaan madaxda ugu sareysa dalka.

Dhawaan ayeey aheyd markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea iyo La Taliyaha Madaxweynaha Eritrea ay booqasho labo cisho ku tageen magaalada Hargeysa ee Somaliland, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]