3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 6 , 2019
Kulankii Golaha Shacabka ee maanta oo lagu kala tagay

 

Sabti, April, 06, 2019 (HOL) – Kulankii Golaha Shacabka ayaa ugu danbeyntii la soo xiray kaddib markii warbaahinta loo diiday in ay ka qeybgalaan kulanka oo ay dalbadeen qaar ka mid ah Golaha Shacabka .

Buuqa Golaha ayaa ka bilaawday codeynta warbaahinta banaanka looga saaray Baarlamaanka, iyadoo qaar ka mid ah Xildhibaanada ay ku doodayaan in aysan sax aheyn qaabka codeynta u dhacday.

104 Xildhibaan ayaa u codeysay in warbaahinta dibadda loo saaro, halka 42 Xildhibaan ay diideen, waxaana durba la amray in warbaahinta dibadda loo saaro.

Balse Xildhibaanada qaar oo ka hor-yimid codeyntaas ayaa is hortaagay in saxaafadda dibadda loo saaro, iyagoo ku qeylinayay Guddoonka Baarlamaanka.

Lama oga waqtiga kale ee leysugu soo laabanayo kulanka Golaha Shacabka ee Su'aalaha lagu weydiinayo madxda hay'addaha Amniga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
4/6/2019 12:14 PM EST
Sabti, April, 06, 2019 (HOL) –Wasiirro ka tirsan xukuuumadda Soomaaliya, Xisaabiyaha guud ee Qaranka xildhibaanno iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maanta ka qeybgalay munaasabada furitaanka Bankiga Shirkadda Amaana.

4/6/2019 11:29 AM EST
Sabti, April, 06, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay heshiiska DP World ee dekedda Boosaaso, wuxuu xaqiijiyay heshiiskaa inuu ixtiraami doono.

4/6/2019 10:37 AM EST
Sabti, Apriil,06, 2019 (HOL)- Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa si adag uga hadlay muranka ka taagan dacwadda ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo khilaaf soo kala dexgalay isaga iyo Dawlada Jabuuti.

4/6/2019 8:07 AM EST
Sabti, April, 06, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Eritrea , Cusmaan Saalix iyo Lataliyaha Madaxweynaha dalkaas , Yemane Gebreab.

4/6/2019 6:27 AM EST
Sabti, April, 06, 2019 (HOL)–Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cusmaan Saalax iyo La Taliyaha Madaxweynaha Eritrea Yemane Gabreab ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

4/6/2019 4:28 AM EST
Sabti, April, 06, 2019 (HOL) – Waxaa furmay kulanka 3-aad Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

4/6/2019 4:10 AM EST
Sabti, April, 06, 2019 (HOL) –Wasiirka Wasaarradda Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa goor dhaw gaaray xarunta Golaha Shacabka oo maanta uu ka furmayo shir looga hadlayo Amniga dalka.

4/6/2019 3:47 AM EST
Sabti, April, 06, 2019 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah uu u anbabaxo magaalada Washington ee dalka Mareykanka shirka Bankiga Adduunka iyo Hey’adda IMF.

4/6/2019 2:15 AM EST
Sabti, April, 06, 2019 (HOL)- Shirkadda Boeing ayaa si ku meel gaar ah hoos ugu dhigtay soo saaridda diyaaradaha nooca 737 oo suuq weyn dunida ku lahaa kaddib marki ay dhaceen shilalki diyaaradeed ee Itoobiya iyo Induniisiya.

4/6/2019 1:58 AM EST
Sabti, April, 06, 2019 (HOL)-Sida dad goobjoogayaal ah u sheegeen warbaahinta meydka qof dumar ah ayaa saakay lagu arkay xaafad ka tirsan Kaaraan ee gobolka Banaadir.

4/6/2019 12:13 AM EST
Sabti, April, 06, 2019 (HOL)-Howlgal ay sameeyeen ciidamada 5tii bishan April ayaa lagu waramayaa in ay ku soo qabteen shaqsi Al-shabaab ka tirsanaa islamarkaana qaabilsan ku xirista walxaha Qarxa gaadiidka,

4/6/2019 12:02 AM EST
Sabti, April, 06, 2019 (HOL) -Maanta oo Sabti ayaa la filayaa in madaxda laamaha Amniga dowladda Soomaaliya hortagaan xildhibaannada Golaha Shacabka si su’aalo looga weydiiyay guud ahaanba xaalada nabad-galyo ee dalka gaar ahaan Amniga magaalada Muqdisho.