4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 6 , 2019
Kulankii Golaha Shacabka oo furmay iyo madaxda hay’addaha Amniga oo goobjoog ah

 

Sabti, April, 06, 2019 (HOL) – Waxaa furmay kulanka 3-aad Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa kulanka shir guddoominaya, waxa uuna ku furmay 164 mudane.

Ajendaha kulanka ayaa ah ka doodista Amniga Qaranka oo ay horay u dalbadeen qaar ka mid ah xildhibaannada oo dalbaday in xukuumadda lagula xisaabtamo nabad-galyada guud ahaan dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Waxaa tagay oo jooga kulanka Wasiirradda Amniga, Difaaca iyo taliyayaasha ciidamada militariga, Booliiska iyo Asluubta, hasse ahaatee waxaa wali kulanka tagin oo aan goob joog aheyn taliska hay’addaha nabad-sugida.

Warbaahinta ayaa iyaguna ku sugan xarunta shirka laakiin waxaa cod la galin doonaa in ay warbaahintu sii joogi doonto kulanka iyo in kale, madaama qoraal kol hore ka soo baxay guddoonka Golaha Shacabka warbaahinta looga mamnuucay in ay ka qeybgalaan kulanka maanta oo ah mid xasaasi ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]