4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 6 , 2019
Yaa ku wehlinaya Kheyre safarka uu ugu anbabaxayo Washington

 

Sabti, April, 06, 2019 (HOL) –Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah uu u anbabaxo magaalada Washington ee dalka Mareykanka shirka Bankiga Adduunka iyo Hey’adda IMF.

Ra’iisal wasaraha ayaa marka laga soo tago shirka waxaa la filayaa in uu kulamo gargaar ah la qaato Madaxda Bankiga Adduunka, IMF, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka oo qaabilsan dhinaca Ammaanka iyo xubno kala duwan.

Socadaalka ra’iisal wasaraha ee Washington ayaa imanaya xili Amaanka magaalada Muqdisho uu sii xumaanayo dhinaca kalana dhowr jeer oo hore gadood sameeyeen ciidamada dowladda oo ka cabanaya mishaar mudo dhowr bilood ah.

Hadaba Yaa ku wehlinaya Ra’iisal wasaaraha safarkiisa Washington :

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]