4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 6 , 2019
Dowladda oo sheegtay in ay qabatay shaqsi Al-shabaab u qaabilsanaa qaraxyada

 

Sabti, April, 06, 2019 (HOL) - Howlgal ay sameeyeen  ciidamada 5tii bishan April ayaa lagu waramayaa in ay ku soo qabteen shaqsi Al-shabaab ka tirsanaa  islamarkaana qaabilsan ku xirista walxaha Qarxa  gaadiidka,

Hawlgalka ayeey saraakiisha laamaha Amnigu sheegeen in uu ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana uu qaatay muddo saacado, mana jirin wax khasaare ah oo ka dhacay sida ay hadalka u dhigeen howlgalkan.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay heleen xogo sirdoon ah oo tasoo sahashay in gacanta lagu soo dhigo shaqsigan ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

Tallaabadaan ayaa imaanaysa xilli ciidamada Amnigu ay magaalada iyo Gobolladaba ka wadaan howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]