4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 6 , 2019
Mas’uuliyiinta laamaha Amniga oo maanta hortagaya xildhibaannada Golaha Shacabka

 

Sabti, April, 06, 2019 (HOL) -Maanta oo Sabti ayaa la filayaa in madaxda laamaha Amniga dowladda Soomaaliya hortagaan xildhibaannada Golaha Shacabka si su’aalo looga weydiiyay guud ahaanba xaalada nabad-galyo ee dalka gaar ahaan Amniga magaalada Muqdisho.

Wasiiradda Amniga, Difaaca, Taliyeyaasha ciidamada Booliska , NISA iyo xoogga ayaa looga yeeray Baarlamaanka sidda uu horay u sheegay Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Mas’uuliyiintan looga yeeray Golaha Shacabka ayaa bilooyinkii ugu danbeeyayba hortagin xildhibaannada, waxaana u yeeristoodan ay imaneysa xili Amaanka magaalada Muqdisho siweyn looga deyrinayo marka la eego qaraxyada is daba jooga ah ee ka dhaca oo inta badan mas’uuliyadooda ay sheegtaan Ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]