4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 5 , 2019
Madaxwayne Mustafe Cagjar oo maanta xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa'id

 

Jimco, April, 05, 2019 (HOL) – Madaxwaynaha DDS Madaxwayne Mustafe Cagjar ayaa mar uu maanta shir jaraa'id Xafiiskiisa ku qabtay kaga hadlay qodobo muhiim ah oo xaaladda degaanka ee wakhti xaadirkan ku saabsan.

Ugu horeyn waxaa uu sheegay madaxwaynuhu in maanta laga bilaabo la joojiyay Shirar Qabiil uu qabsado isagoo Siyaasad kaga hadlaya, balse qabiiladu ay kulamo yeelan karaan ay kaga hadli karaan sida in la dhex dhexaadinayo ama la heshiisiinayo qabiilo is haysta iyo in mag la kala qaadayo. sidoo kale ciddii u baahan inay siyaasad ka hadashana ay samaystaan Xisbiyo iyagoo u maraya qaab sharci ah ama xisbiyada siyaasadeed ee jira ku biira.

Shirkan jaraaid ayaa sidoo kale Madaxwaynuhu isagoo amar siinaya ciidamada nabadgalyada ee degaanka sheegay inay Ciidamadu sugaan amniga guud ahaa degaanka, kana hortagaan fal kasta oo lid ku ah nabadgalyada degaanka iyo banaan baxyada aan sharciyaysnayn ee ay soo abaabulayaan waxa uu ku tilmaamay dad kasoo horjeeda deganaanshaha degaanka.

Madaxwaynuhu mar uu ka hadlayey maamulkii hore ee degaanka gaar ahaan kooxdii lamagac baxday Heego ayuu sheegay in cafiskii la cafiyay lagala noqday maadaama ay bilaabeen kicin dadwayne waa siduu hadalka u dhigayee isla markaana lala tiigsanayo sharciga meel walboo ay ku sugan yihiin.

Mar uu ka hadlayay Madaxwaynuhu dhanka Ururka ONLF ayaa waxaa uu sheegay in kawaadiirta Ururkaasi ku hawlan yihiin sidii shacabka la isooga hor keeni lahaa iyadoo la adeegsanayo qaab qabiil waa siduu hadalka u dhigayee isla markaana faray inay ka fogaadaan hawlaha iska horkeenka qabiil.

Hadaladan uu maanta madaxwaynuhu shirka jaraa'id ku sheegay ayaa kusoo hagaagaya xilli guux hoose uu ka dhex jiray shacabka degaanku, isla markaana meelo kamid ah degaanka ka jireen banaanbaxyo. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]