4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 5 , 2019
Madaxweynaha Farmaajo : Dowladdihii iga horeeyay dadaal weyn ayeey ku bixiyeen ka shaqeynta Amniga

 

Jimco, April, 05, 2019 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta khudbad ka jeedinayay Masjid ku yaala gudaha madaxtooyada ayaa sheegay in ay ku dadaalayaa sidii wax looga qaban lahaa Amniga guud ahaan dalka.

Wuxuu sheegay in dowladdihii isaga ka horeeyay wax badan ka qabteen Amniga, sidaa si la mid ah ay doonayaan iyaguna in dowladdaha ka danbeeya aysan ku mashquulin Amaanka balse ka shaqeeyaan hormarka intiisa kale.

‘’ “Dowladihii iga horeeyay dadaal weyn ayay ku bixiyeen in ay ka shaqeeyaan amniga annigana waxaan doonayaa in dowlada iga dambeyso ay xilka la wareegto dalka oo nabad ah.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isaga oo ka hadlayay sababta ay qaraxyada ugu soo noqnoqanayaan magaalada Muqdisho waxaa yiri’’ Maxey Xamar u qarxinayaan kooxaha cadawga, kaliya waa in la yiraahdo dalka dowlad kama jirto’’

Wuxuu sheegay in aysan jirin cid gaar ah oo mas’uuliyad ay ka saran tahay Amaanka laakiin qof kasta oo Soomaali ah laga doonaya uu qeybtiisa ka qaato ka shaqeynta nabad-galyada iyo guud ahaan Amaanka dalka.

Waa markii ugu horeysay oo uu madaxweynuhu si toos ah uga hadlo xaaladihii ugu danbeeyay ee Amaanka dalka gaar ahaan qaraxyada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]