3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 5 , 2019
Qarax goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Jimco, April, 05, 2019 (HOL) – Qaraxan oo siweyn jugtiisa looga maqlay degmooyinka qeybo ka mid ah degmooyinka  gobolka Banaadir ayaa goor dhaw ka dhacay Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Warar hor dhac oo soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa nooca gaadiidka lagu dhajiyo, lamana oga cid la bartilmaameedsaday iyo khasaaraha ka dhashay intaba.

Habeenimadii xalay ayeey aheyd markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weraraay xarunta Dugsiga tababarka Booliiska ee Jen Kaahiye, waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 













Click here
4/5/2019 1:45 PM EST
Jimco, April, 05, 2019 (HOL)–Madaxwaynaha DDS Madaxwayne Mustafe Cagjar ayaa mar uu maanta shir jaraa'id Xafiiskiisa ku qabtay kaga hadlay qodobo muhiim ah oo xaaladda degaanka ee wakhti xaadirkan ku saabsan.

4/5/2019 12:47 PM EST
Jimco, April, 05, 2019 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta khudbad ka jeedinayay Masjid ku yaala gudaha madaxtooyada ayaa sheegay in ay ku dadaalayaa sidii wax looga qaban lahaa Amniga guud ahaan dalka.

4/5/2019 11:47 AM EST
Jimco, April, 05, 2019 (HOL) – Afhayeen u hadlay Ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo magaciisa la yidhaahdo Axmed Cali Nuur ayaa ka jawaabay hadalkii ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ee lagaga hadlay dacwada Baan uu lacag ka soo amaahday, taas oo ay isku khilaafsan yihiin Baankii iyo gancsadihiiba.

4/5/2019 8:51 AM EST
Jimco, April, 05, 2019 (HOL) – Saacadihii ugu danbeeyay waxaa soo baxayay in la musuq maasuqay tartankii Oradka ee maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii la sheegay in dadkii ku tartamay qaarkood goobta dhamaadka cayaarta lagu geeyay gaari ciidan.

4/5/2019 4:19 AM EST
Jimco, April, 05, 2019 (HOL) –Kaddib labo cisho oo mudahaaraad ah oo ay dhigayeen ganacsatada xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ugu danbeyntii lagu guuleystay in la xaliyo cabashada ganacsatada.

4/5/2019 3:57 AM EST
Jimco, April, 05, 2019 (HOL) – Wasiirka Wasaarrada Dhalinyarrada iyo Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa ka qeybgalay munaasabada furitaanka tartanka Orodka Gaabsan oo sanadkiiba mar la qabto.

4/5/2019 1:51 AM EST
Jimco, April, 05, 2019 (HOL) –Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in mudadii labada sano aheyd oo ay jirtay dowladda uu ra’iisal wasaraha ka yahay aan lagu yeelan wax deyn ah.

4/5/2019 12:18 AM EST
Jimco, April, 05, 2019 (HOL)–Shacabka ku dhaqan Gobolka Afdheer gaar ahaan magaalada Jarati ayaa dhigay dibadbax ay kaga soo horjeedaan qaabkii maalinimadii shalay loo dhisay xubnaha xisbiga.

4/5/2019 12:11 AM EST
Jimco, April, 05, 2019 (HOL)–Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixisay qarax khasaaro geystay oo xalay fiidkii ka dhacay afaafka hore ee xarunta Dugsiga Tababarka ee Janeraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.