4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 5 , 2019
Ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo sheegay in Hanti gaadhaysa 128 Milyan oo doolar lagaga haysto Jabuuti

 

Jimco, April, 05, 2019 (HOL) – Afhayeen u hadlay Ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo magaciisa la yidhaahdo Axmed Cali Nuur ayaa ka jawaabay hadalkii ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ee lagaga hadlay dacwada Baan uu lacag ka soo amaahday, taas oo ay isku khilaafsan yihiin Baankii iyo gancsadihiiba.

Afhayeenka ganacsadaha Axmed Cali Nuur ayaa sheegay in Jabuuti ka haysato hanti lagu qiyaasay boqol iyo sideed iyo labaatan Milyan oo doolar, isla markaana Baanka lacagta ka doonaya u sheegay in hantidda Jabuuti u taalla ay u qaataan labaatanka milyan ee deynta kaga soo qaateen.

“Baanka madaxtooyada Somaliland ka hadashay magaciisa saxda ahi waa BCIMR oo dawlada Jabuuti badh ahaan leedahay sida ku cad heshiishka saamileyda Baanka, bulshada Somaliland waxay ogsoon tahay in aanu jirin dunida Baan hadyad ahaan lacag iskaga bixiya, balse taas bedelkeedda Baankasta oo ku xidho shuruudo Rahan ama hanti maguurto ah oo ka badan deynta uu Baanku ganacsadaha siinayo”ayuu yidhi Afhayeenka Ganacsadaha la eedeeyey.

waxaanu intaas ku daray “ Waxa jirta in aanu heshiish la gallnay Baankaasi aan soo sheegnay muddo laga joogo 24 bilood deyn dhan labaatan milyan baanu ka qaadanay oo dollar sida sharcigu dhigayo Baankii wuxuu naga dalbaday Rahan ka badan deynta aanu rabno kuna taalla dalka Jabuuti, waana ku wareejinay Rahankii baankii deynta na siinayey sanadkii 2017 bishii April, waxaana heshiishka baankaasi laga diiwaangaliyey dawlada Jabuuti, waxaana ku heshiinay inuu Baanku naga hayo hanti ma guurto ah oo qiimaheedu dhan yahay 25 milyan oo dollar.”

Afhayeenka Axmed Cali Nuur oo ka hadlay halka khilaafka ganacsadaha iyo xukuumadda Jabuuti ka bilaabmay waxaanu yidhi “Qoyska madaxweynaha Jabuuti waxay qasab kaga dhigtay ganacsade Axmed Cismaan Geelle inuu saamiyo ka siiyo shirkadihiisa Jabuuti iyo Somalilandba, arrinkaasi wuu ka diiday ganacsade Axmed Geelle, maadaama oo aan xaq iyo xeertoona loogu lahayn, ka dibna waaran qabasho ah ayaa loo soo saray isagoo Axmed Cismaan Geelle jabuuti ka maqan isna kuma noqon Jabuuti, ka dibna waxay bilaabantay in tobankii shirkadood ee Jabuuti uga shaqaynayey ay bililiqaysteen qoyska madaxtooyada Jabuuti oo afartii ugu waaweyna kala qaateen qoyskiisu intii kalena waa la xidhay hanti dhextaalayna waa la qaatay.”

Afhayeenka madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in Baankii lacagta amaahiyey ka rabo lacagtii,isla markaana uu dacwad ka dhan ah ganacsadaha ka furteen maxkamadaha Hargeysa, taasina ay keentay khilaafka heerkaasi gaadhay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.