4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 5 , 2019
Maryan Nuux : Aniga ayaa kaalinta koowaad galay laakiin waxaa leyga hormariyay gabdho lagu soo qaaday gaari ciidan

 

Jimco, April, 05, 2019 (HOL) – Saacadihii ugu danbeeyay waxaa soo baxayay in la musuq maasuqay tartankii Oradka ee maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii la sheegay in dadkii ku tartamay qaarkood goobta dhamaadka cayaarta lagu geeyay gaari ciidan.

Maryan Nuux oo ka mid ah aheyd tartamayaashii maanta ka qeyb-galay Oradka Gaaban ayaa sheegtayin ay aheyd qofkii ugu horeeyay ee kaalinta koowaad galay laakiin idhaheedu qabteen Labo gabdhood oo sida ay hadalka u dhigtay lagu waday mid ka mid ah gaadiidka dagaalka oo laga hormariyay.

“Labo Gabdhood ayaan arkay oo Gaari Ciidan lagu soo qaaday, halka markaan imid Waxaa la ii sheegay in ay iga soo hormareen, markii aan sheegay in gaari ciidan lagu soo qaaday guddiga waxey igu dhaheed Aamus adiga ayaa kaalinta koowaad galay ayay tiri Maryan Nuux”

Wasiirka dhalinyaradda iyo Cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye oo eedeynta ka hadashay ayaa sheegtay in ay maqleen warka arintan ku saabsan, balse baaritaan la sameynayo.

 

‘’Guddi waxaa jira 50 ruux ka kooban oo min bilow ilaa dhamaad la socday tartanka, iyaga ayaan ka rabanaa in ay noo soo gudbiyaan xaqiiqda jirta’’ayeey tiri Wasiirka Khadiija.

Waa markii ugu horeysay oo ay soo baxaan eedeymo noocan ah oo ku saabsan in dadka ka qeybgalay tartanka Orodka qaarkood gaadiid lagu gaarsiiyay halka dhamaadka cayaarta, lamana oga sida uu guddigu u xalin doono doodda Maryan Nuux.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]