4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 5 , 2019
Cabashadii ganacsatada xaafadda Islii oo la xaliyay

 

Jicmo, April, 05, 2019 (HOL) –Kaddib labo cisho oo mudahaaraad ah oo ay dhigayeen ganacsatada xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ugu danbeyntii lagu guuleystay in la xaliyo cabashada ganacsatada.

Guddoomiyaha degmada Kamakunji oo ay ka tirsan tahay xaafadda Islii Yuusuf Xassan oo soo fara-galiyay arinta ayaa ku guuleystay in la soo afjaro cabashada ganacsatada ee la xiriirta canshuurta xad dhaafka ah lagu soo rogay.

Hay’addaha Kenya u qaabilsan Canshuuraha ayaa ku kordhisay lacag dhan 90,000 oo dollar 40kii feet ee Konternarka ah oo markii hore laga qaadi jiray 30,000 oo dollar iyadoo gaarsiisay qiimo lacageed oo dhan 120, 000 oo dollar.

Laakiin dowladda ayaa Kenya ayaa garwaaqsatay in canshuurta loo daayo sidii hore lana canshuuro 40ka feet ee Konternerka ah 30,000 oo dollar oo kaliya.

Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta oo si dhaw ula socday cabashada ganacsatada ayaa la sheegay in uu laftirkiisa qeyb ka ahaa xal u helida muranka dhinaca canshuuraha ee sababay in uu istaago ganacsigii xaafadda Islii.

Waxaa dib hadda u furmay goobihii ganacsiga xaafadda Islii ee degmada Kamakunji iyadoo ganacsatadu ay soo dhaweeyeen go’aankan danbe ee ka soo baxay dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]