4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 5 , 2019
Tartanka Orodka Gaaban ee degmooyinka gobolka Banaadir oo Muqdisho lagu qabtay

 

Jimco, April, 05, 2019 (HOL) – Wasiirka Wasaarrada Dhalinyarrada iyo Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa ka qeybgalay munaasabada furitaanka tartanka Orodka Gaabsan oo sanadkiiba mar la qabto.

Dhalinyaro u tartamaya degmooyinka Gobolkaan Banaadir ayaa tartanka ka qeyb galaya, kuwaa oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

Tartamayaasha ayaa ka bilaabay Orodka Isgoyska km4 iyaga oo tagaya  Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere, waxaana kaalinta koowaad ku guuleystay Cabdinuur Maxamed Garaad oo ka socday degmada Kaaraan.

 

Dhinaca kale saacadiihii hore ee saakay ayaa guud ahaan magaalada la xanibay isku socodka dadka iyo gaadiidka, sababo la xiriira tartanka lagu qabanayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]