4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 5 , 2019
Kheyre : Waxaan bixinay lacag dhan 100 milyan oo dollar oo lagu lahaa dowladdihii naga horeeyay

 

Jicmo, April, 05, 2019 (HOL) –Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in mudadii labada sano aheyd oo ay jirtay dowladda uu ra’iisal wasaraha ka yahay aan lagu yeelan wax deyn ah.

Taa badalkeeda ayuu sheegay in ay bixiyeen lacag dhan 100 milyan oo dollar oo sida uu hadalka u dhigay lagu lahaa dowladdihii iyaga ka horeeyay, kuwaa oo ku macneeyay in ay ahaayeen lacago loo maamulay si aan habooneyn.

“Maalintii aan nimid ilaa iyo hadda dowladda majirto cid deyn  ku leh, markii aan nimid waxaa dowladda lagu lahaa lacag  100 milyan dollar ah oo lagu lahaa dowladihii naga horeeyay, kuwaa isugu jiray mishaar la bixin waayay ama cid qadraas la siiyay ayuu yiri ra’iisul wasaare Kheyre.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kasoo baxday dhamaan shuruudiihii ugu waaweynaa iyo in canshuurta ay ganacsatada Soomaaliyeed bixiyaan ay mareyso meshii ugu wanaagsaneyd.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa marar badan oo hore ku celceyay in daqliga soo xarooda uu aad u kordhay tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay tallada la wareegeen.

Laakiin haddana dhinaca kale marka la eego toddobaadyadii ugu danbeeyay dowladda waxaa soo food saaray caqabado waaweyn uga imanayay dhinaca ciidamada oo sheegay in muddo ku dhan Afar bilood aysan helin wax mishaar ah, waxaana ugu danbeeyay ciidamada naafadda xoogga dalka Soomaaliyeed oo maalintii shalay dibadbax ka hor dhigay xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]