4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 5 , 2019
Dibadbax ka dhacay qeybo ka mid ah Gobolka Afdheer ee dowlad deegaanka Itoobiya

 

Jimco, April, 05, 2019 (HOL) – Shacabka ku dhaqan Gobolka Afdheer gaar ahaan magaalada Jarati ayaa dhigay dibadbax ay kaga soo horjeedaan qaabkii maalinimadii shalay loo dhisay xubnaha xisbiga.

Shacabka gobolkaas ayaa ku andacoonaya in aysan wax saami ah ku yeelan xubnihii xisbiga ee shalay lagu dhisay caasimadda degaanka ee Jigjiga.

Afdheer ayaa ka mid ah gobollada degaanka ugu baaxada wayn, wuxuuna ka mid yahay gobollo dhawr ah oo iska dhex waayay golihii dhexe iyo gudidii fulinta xisbiga ee shalay la dhisay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]