4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 5 , 2019
Taliska Booliiska oo ka hadlay Qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho

 

Jimco, April, 05, 2019 (HOL) – Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixisay qarax khasaaro geystay oo xalay fiidkii ka dhacay afaafka hore ee xarunta dugsiga Tababarka ee Janeraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xusseen Axmed ayaa sheegtay in ay jiraan dhaawacyo 8 ruux oo 4 ka mid ah ay qabaan dhaawacyo fudud iyo bubur ganacsiyo yar-yar,

Waxaa ay sheegtay in qaraxii xalay uusan sababin wax khasaare nafeed ah marka laga soo tago dadka dhaawacmay.

Qaraxan xalay ayaa dhacay xili magaaladu kala xir xiran tahay oo xitaa aan la ogoleyn in gaadiidka dadweynaha isaga kala gudbaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Dugsiga tababarka Jen Kaahiye ee xalay lagu weeraray Qaraxa ayaa ka mid ah xarumaha dowladda ee sida weyn loo ilaaliyo oo xitaa marmarka qaar ku shiraan xildhibaannada labada Aqal ee Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]