4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2019
Midowga Yurub oo kordhiyay cunaqabateynta saaran Mayanmar

 

Talaado, April, 30, 2019 (HOL)- War ay soo saareen Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in Tallaabadaasi ay qaadeen EU-da ay ku jiraan xayiraad la saarayo iibsashada hubka iyo qalabka kale ee gala dalka Myanmar.

Sidoo kale xayiraadaha ama cunaqabateynta saran dalkaasi waxaa kaloo ku jira xadeynta waxa ay dhoogiyan Mayanmaryo la socodka isgaarsiinta gudaha iyo dhaqdhaqaaqa kale.

14-sarkaal ayaa lagu waramay in ay saaran yihiin cunaqabaeyn xagga socdaalka ah iyo joojinta hanta u tiillay dalalka Yurub ,ka dib kolkii lagu eedeeyay n ay ka qeybgaleen xasuuqii loo geystay muslimiinta Rohinya.

Midowga Yurub ayaa go’aamiyay in muddo kordhinta cusub ay soconeyso illaa 30-ka April 2020-ka.

25 August, 2017-kii 24-kun oo Rohingya ah ayaa la dilay,halka 750-kun oo ruux ay u barakaceen dalka Bangaladesh,waxaana Qaramada Midoobay ay ciidamada Mayanmar u aqoonsadeen kuwo geystay dambiyo dagaal oo salka ku haya xasuuq bini’aadanimo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]