4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 3 , 2019
Golihii dhexe iyo gudidii fulinta ee Xisbiga dowlad deegaanka oo la doortay

 

Arbaco, April, 03, 2019 (HOL) – Waxaa gabogabo maraya Shirwaynihii Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida, waxaana shirwaynaha maanta lagu dooranayay Gole dhexe iyo Guddida fulinta ee Xisbiga.

Haddaba waxaa intaa kadib la guda galay doorashada Gole dhexe oo ka kooban 61 xubnood. halka guddi fulin loo doortay 9 xubnood. waxaana dib loogu doortay Guddoomiyaha Xisbiga Axmed Shide Maxamed, Gudoomiye ku xigeena waxaa loo doortay inuu noqdo Mustafe Muxumed Cumar.

Sidaa waxaa ku dhismay xisbigii talada degaanka hayay oo la filayo inuu wax badan ka badalayo qaab socodka siyaasadda degaanka, inkastoo dadka qaar aysan ku qanacsanayn qaabka loo dhisay xisbiga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]