4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 3 , 2019
Dr Abiyi Axmed oo Jigjiga soo gaaray

 

Arbaco, April, 03, 2019 (HOL) –Ra'iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiye Axmed ayaa soo gaadhay Jigjiga, Abiyi Axmed ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Madaxda degaanka u saraysa oo uu ka mid yahay Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar.

Haddaba Ra'iisal wasaare Abiy ayaa u yimid si uu us oo xidho shirwaynaha 10aad ee Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida oo galabta lasoo gabagabaynayo, Shirwaynaha ayaa saacadaha soo socda la soo gabagabaynayaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]