4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 3 , 2019
Dowladda oo dadka Muqdisho uga digtay gaari walxaha qarxa ku raran yihiin

 

Arbaco, April, 03, 2019 (HOL) –Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Zakiya Xusseen Axmed oo goor dhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa uga digtay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho gaari walxaha qarxa lagu soo raray oo la doonayo sida ay hadalka u dhigtay in shacabka lagu dhibaateeyo.

‘’Waxaan rabnaa in uu jiro gaari nooca TAYOTO ah oo walxaha qarxa lagu soo raray oo la doonayo in dadka lagu dhibaateeyo, shacabka waxaan uga digeynaa gaarigan noocan ayeey tiri’’ waxaana ay la wadeegtay muuqaalka gaariga.

Sidoo kale waxaa ay intaa ku dartay in deegaanka Weydoow ee dulleedka Muqdisho ka soo saareen walxaha qarxa.

Waa markii ugu horeysay oo dowladda Soomaaliya ay bulshada la wadaagto sawirka nooca gaari ay sheegeen in walxaha qarxa lagu soo raray kuna dhuumaaleysanaya sida ay hadalka u dhigtay dowladda degmooyinka gobolka Banaadir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]