4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 3 , 2019
Xildhibaan Xusseen Carab Ciise : Dastuurka laga hadlayo halkee ayuu Somaliland ka quseeyaa

 

Arbaco, April, 03, 2019 (HOL) –Xildhibaan Xusseen Carab Ciise oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta hadal ka jeediyay fadhiggii Baarlamaanka ayaa si caro leh uga hadlay qadiyada Somaliland iyo sida ay dowlada Soomaaliya u wajaheyso.

Wuxuu sheegay in mas’uuliyiinta Somaliland ka soo jeeda ee ka tirsan dowladda Soomaaliya aheyn dad shaqo doon ah, balse u taagan yihiin sida uu hadalka u dhigay ilaalinta midnimada Soomaaliya, isaga oo sheegay in aysan jirin caqabad aan aheyn maqnaashaha Somaliland.

Mar uu soo hadal qaaday arinta dastuurka ee howshiisu socto waxaa uu yiri’’’ Waxaan cabasho ka muujineynaa dastuurka shaqadiisa socota, halkeen ka soo galnee, hanaloo caddeeyo dastuurka ma Koofur baa mise Waqooyi”

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya marnaba ku ixtiraamin xubnaha Somaliland ku matalaya dowladda ka qeybgalka masiirka iyo wada hadallada lala galayo Somaliland, isaga oo taa badalkeeda tusaale u soo qaatay in marka mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka tagayaan dowlad gobolleedyada kale ee dalka horay u sii kaxeystaan xildhibaannada ka soo jeeda deegaannadaas.

‘’ Wada hadalladu meel xun ayeey hadda marayaan, waxaan diyaar u nahay haddii aynaan keeni karin Somaliland in aan isaga baxno gabi ahaanba hay’addaha kale ee dowladda ayuu yiri ‘’ Xusseen Carab Ciise.

Hadalka Xusseen Carab Ciise ayaa imanaya xili dhowr jeer oo hore sidan oo kale mas’uuliyiinta ka soo jeeda gobollada Waqooyi ugu dhaliileen dowladda Soomaaliya in aysan xil gaar ah iska saarin doodda Somaliland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]