4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 3 , 2019
Guddoomiye Mursal : Qodobka Amniga waxaan ka dooddi doonnaa maalinta Sabitda ah

 

Arbaco, April, 03, 2019 (HOL) –Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo khudbad ka hor jeedinayay fadhiggii maanta ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in qodobka Amniga ku saabsan laga dooddi doono maalinta Sabtida ah.

Balse waxaa uu sheegay in aan warbaahinta loo ogolaan doonin in ay kulanka ku saabsan doodda Amniga goobjoog ka noqdaan isaga oo aan cadeyn sababta, madaama kulamada kale loo ogol yahay ka qeybgalka saxaafadda.

Fadhiga maanta ee xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo si toos ah u furma Kalfadhigan Shanaad, iyadoo Labo kulan oo horey Baarlamaanku ku fashilmay in uu fariisto.

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ku eedeeyay guddoonka Baarlamaanka in uu marin habaabinayo ajandaha rasmiga ah oo ay tahay in ay xildhibaannadu ka doodaan oo ah in xukuumadda lagula xisaabtamo Amniga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]