3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 3 , 2019
Taliska ciidamada xoogga dalka oo faah faahin ka bixiyay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab

 

Arbaco, April, 03, 2019 (HOL) –Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeeda ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgallo saacadihii ciidamada militariga ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha ciidamada Lugta General Odawaa Yuusuf Raage ayaa faah-faahin ka bixiyey howlgallada guullaha laga gaaray iyo sida ay u socdaan, isaga tilmaamay in deegaanadda haatan ay la wareegeen ciidamada ay hadda degan yihiin, islamarkaana ay ka waddaan howlgallo lagu xaqiijinaayo Ammaanka.

Wuxuu sheegay in howlgalada sii socdan doonaan ilaa Al-shabaab lagala wareegayo deegaannada ay ka joogaan dalka Soomaaliya.

‘’Khasaare ayaa ka soo gaaray Al-shabaab howlgalladii ugu danbeeyay ee laga sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose, weyna sii socon doonaan howlgallada’’ ayuu yiri Generaal Odawaa.

Hadalka taliyaha ayaa yimid ka dib markii ciidamada Danab ay la wareegeen degaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasoo intooda badan hoos yimaada degmada Afgooye.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/3/2019 1:44 PM EST
Arbaco, April, 03, 2019 (HOL) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa si kulul u cambaareeyey dhacdo lagula kacay gabar Soomaaliyeed oo loo diiday in ay ku umusho goob caafimaad oo ku taala Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

4/3/2019 11:24 AM EST
Arbaco, April, 03, 2019 (HOL)–Waxaa gabogabo maraya Shirwaynihii Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida, waxaana shirwaynaha maanta lagu dooranayay Gole dhexe iyo Guddida fulinta ee Xisbiga.

4/3/2019 11:21 AM EST
Arbaco, April, 03, 2019 (HOL) –Ra'iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiye Axmed ayaa soo gaadhay Jigjiga, Abiyi Axmed ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Madaxda degaanka u saraysa oo uu ka mid yahay Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar.

4/3/2019 11:16 AM EST
Arbaco, April, 03, 2019 (HOL) –Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Zakiya Xusseen Axmed oo goor dhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa uga digtay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho gaari walxaha qarxa lagu soo raray oo la doonayo sida ay hadalka u dhigtay in shacabka lagu dhibaateeyo.

4/3/2019 10:03 AM EST
Arbaco, April, 03, 2019 (HOL) –Mudane Axmed Max’ed Islaam, Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo mudooyinkii u danbeeyay ku maqnaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, halkaa oo uu kulamo kula lahaa Madaxweynaha dalka ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo.

4/3/2019 8:07 AM EST
Arbaco, April, 03, 2019 (HOL) –Xildhibaan Xusseen Carab Ciise oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta hadal ka jeediyay fadhiggii Baarlamaanka ayaa si caro leh uga hadlay qadiyada Somaliland iyo sida ay dowlada Soomaaliya u wajaheyso.

4/3/2019 7:37 AM EST
Arbaco, April, 03, 2019 (HOL) –Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo khudbad ka hor jeedinayay fadhiggii maanta ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in qodobka Amniga ku saabsan laga dooddi doono maalinta Sabtida ah.

4/3/2019 4:18 AM EST
Arbaco, April, 03, 2019 (HOL) – Golaha Shacabka ee Baarlamaan Soomaaliya, ayaa maanta leh, kullan koodii 3aad ee Kalfadhiga 5aad, kadib markii uu kooran la'aan u baaqday kullankii 1aad iyo 2aad ee Kalfadhigan.

4/3/2019 1:12 AM EST
Arbaco, April, 03, 2019 (HOL) – Guddoomiyihii hore ee degmada Marka Maxamed Cismaan Yariisoow ayaa warbaahinta u sheegay in qof uu ku dhintay rasaas Al-shabaab ay ku fureen Doon ay wateen rag kalluumeysato ah.

4/3/2019 12:56 AM EST
Arbaco, April, 03, 2019 (HOL)-Sida ay sheegtay warbaahinta Algeria Madaxweynihii dalkaas Abdelaziz Bouteflika ayaa is casilay kadib todobaadyo ay dibadbaxyo ballaarani dalkaas ka socdeen.

4/3/2019 12:43 AM EST
Arbaco, April, 03, 2019 (HOL)–Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa mar kale maanta u ballasan in ay yeesheen kulankoodii saddexaad Kalfdhiga 5aad, kaddib markii ay fashil ku soo dhamaadeen labadii kulan ee hore oo mid ka mid ah uu u baaqday kooram la’aan.

4/3/2019 12:30 AM EST
Arbaco, April, 03, 2019 (HOL)-Waxaa si buuxda loo ansixiyay badalida magaca Xisbiga dowlad deegaanka Soomaalida , waxaana lagu badalay Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida, halka markii hore uu ka ahaa Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya.