3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 3 , 2019
Madaxweynihii Algeria oo is casilay

 

Arbaco, April, 03, 2019 (HOL) - Sida ay sheegtay warbaahinta Algeria Madaxweynihii dalkaas Abdelaziz Bouteflika ayaa is casilay kadib todobaadyo ay dibadbaxyo ballaarani dalkaas ka socdeen.

Mr Bouteflika, oo talada dalkaas hayey 20 sanadood, ayaa mar horeba meesha ka saaray qorshe uu doonayey in uu mar shanaad isu soo taago madaxtinimada dalkaas.

Ciidanka awoodda badan ee dalkaas ayaa sheegay in madaxweynahaas 82 jirka ah aanu awoodin in uu guto waajibaadkiisa.

Hoggaamiyahan xanuunsan ayaa waxaa haleelay xanuunka faaligga lix sano kahor, waxaana aad u yarayd in lagu arko fagaareyaasha.

Telifishinka qaranka ee dalkaas ayaa ku warramay in madaxweynuhu uu golaha dastuurka ku wargaliyey in uu xilka ka dagayo maalinta talaadada ah.

Hoggaamiyeyaasha dibadbaxyada dalkaasi ka socda ayaa ka horyimid dalabka ah in madaxweynuhu uu dhammaysto muddo xileedkiisa oo ku eg 28 april.

Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale ku baaqaya in gabi ahaanba la baddalo nidaamka siyaasadeed ee dalkaas ka jira, kaas oo ciidamadu ay kaalin wayn ku leeyihiin.

Dadka dibadbaxyada dhigaya ayaa u badan dhalinyaro waxayna doonayaan nidaam xukuumadeed oo cusub.

Waxaa jira eedaymo sheegaya in awooddii siyaasadeed ee Mr Bouteflika ay ka faaidaysteen kooxo baayac mushtar ah, siyaasiyiin iyo saraakiisha militariga - si ay jagooyinkooda u ilaashadaan.

Xisbiga talada dalkaas haya ee National Liberation Front (FLN), oo dib u dhigay doorashooyinkii dhici lahaa 18 april, ayaa ballan qaaday in ay abaabuli doonaan shirwayne qaran oo isbaddalo cusub lagu taabbagalinayo.

Xisbiga FLN ayaa dalka Algeria soo xukumayey tan iyo markii uu madaxbanaanida ka qaatay dalka faransiiska sanadkii 1962-dii.

Mr Bouteflika oo talada dalkaas qabtay sanadkii 1999, ayaa gacan bir ah dalkaas ku qabtay kadib markii uu dhacay dagaal sokeeye oo dhiig badani uu ku daatay oo looga soo horjeeday fallaago Islaamiyiin ah, kaas oo galaaftay nolosha 150,000 oo qof.

Wararka ayaa sheegaya in hoonka gawaarida laga maqlayo waddooyinka magaalada Caasimadda ah ee Algiers, kadib markii lagu dhawaaqay in Mr Bouteflika uu istiqaladiisii gudbiyey.

Guddoomiyaha aqalka sare, Abdelkader Bensalah, ayaa la filayaa in uu noqdo sii hayaha xilka madaxweynaha muddo saddex bilood ah inta ay dhacayso doorashadu.

Xigasho BBC













Click here
4/3/2019 1:44 PM EST
Arbaco, April, 03, 2019 (HOL) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa si kulul u cambaareeyey dhacdo lagula kacay gabar Soomaaliyeed oo loo diiday in ay ku umusho goob caafimaad oo ku taala Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

4/3/2019 11:24 AM EST
Arbaco, April, 03, 2019 (HOL)–Waxaa gabogabo maraya Shirwaynihii Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida, waxaana shirwaynaha maanta lagu dooranayay Gole dhexe iyo Guddida fulinta ee Xisbiga.

4/3/2019 11:21 AM EST
Arbaco, April, 03, 2019 (HOL) –Ra'iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiye Axmed ayaa soo gaadhay Jigjiga, Abiyi Axmed ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Madaxda degaanka u saraysa oo uu ka mid yahay Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar.

4/3/2019 11:16 AM EST
Arbaco, April, 03, 2019 (HOL) –Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Zakiya Xusseen Axmed oo goor dhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa uga digtay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho gaari walxaha qarxa lagu soo raray oo la doonayo sida ay hadalka u dhigtay in shacabka lagu dhibaateeyo.

4/3/2019 10:03 AM EST
Arbaco, April, 03, 2019 (HOL) –Mudane Axmed Max’ed Islaam, Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo mudooyinkii u danbeeyay ku maqnaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, halkaa oo uu kulamo kula lahaa Madaxweynaha dalka ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo.

4/3/2019 8:07 AM EST
Arbaco, April, 03, 2019 (HOL) –Xildhibaan Xusseen Carab Ciise oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta hadal ka jeediyay fadhiggii Baarlamaanka ayaa si caro leh uga hadlay qadiyada Somaliland iyo sida ay dowlada Soomaaliya u wajaheyso.

4/3/2019 7:37 AM EST
Arbaco, April, 03, 2019 (HOL) –Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo khudbad ka hor jeedinayay fadhiggii maanta ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in qodobka Amniga ku saabsan laga dooddi doono maalinta Sabtida ah.

4/3/2019 4:18 AM EST
Arbaco, April, 03, 2019 (HOL) – Golaha Shacabka ee Baarlamaan Soomaaliya, ayaa maanta leh, kullan koodii 3aad ee Kalfadhiga 5aad, kadib markii uu kooran la'aan u baaqday kullankii 1aad iyo 2aad ee Kalfadhigan.

4/3/2019 3:55 AM EST
Arbaco, April, 03, 2019 (HOL)–Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeeda ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgallo saacadihii ciidamada militariga ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

4/3/2019 1:12 AM EST
Arbaco, April, 03, 2019 (HOL) – Guddoomiyihii hore ee degmada Marka Maxamed Cismaan Yariisoow ayaa warbaahinta u sheegay in qof uu ku dhintay rasaas Al-shabaab ay ku fureen Doon ay wateen rag kalluumeysato ah.

4/3/2019 12:43 AM EST
Arbaco, April, 03, 2019 (HOL)–Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa mar kale maanta u ballasan in ay yeesheen kulankoodii saddexaad Kalfdhiga 5aad, kaddib markii ay fashil ku soo dhamaadeen labadii kulan ee hore oo mid ka mid ah uu u baaqday kooram la’aan.

4/3/2019 12:30 AM EST
Arbaco, April, 03, 2019 (HOL)-Waxaa si buuxda loo ansixiyay badalida magaca Xisbiga dowlad deegaanka Soomaalida , waxaana lagu badalay Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida, halka markii hore uu ka ahaa Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya.