4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 3 , 2019
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo mar kale maanta kulan u ballansan

 

Arbaco, April, 03, 2019 (HOL) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa mar kale maanta u ballasan in ay yeesheen kulankoodii saddexaad Kalfdhiga 5aad, kaddib markii ay fashil ku soo dhamaadeen labadii kulan ee hore oo mid ka mid ah uu u baaqday kooram la’aan.

Kulanka maanta ayaa lagu wadaa in guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan khudbad u jeediyo xildhibaannada Golaha Shacabka.

Khudbada ayaa la xiriirta socodsiinta howlaha Golaha Shacabka kaddib markii kulamadii ugu danbeeyay ay soo xaadiri waayeen inta badan xildhibaannada Golaha Shacabka.

Wali waxaa taagan ajdanihii hore yaalay Golaha ee baaqday kulamadii hore ee ahaa warbixin laga dhageysanayo guddiga Dastuurka.

Balsan xidhibaannada qaar ayaa qaba in fadhiyada ugu soo horeeya ee Golaha Shacabka looga dooddo la xisaabtanka xukuumadda iyo xaalada guud ee Amniga, lamana oga sida kulanka maanta xildhibaannadu u wajihi doonaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]