4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 29, 2019
ILO iyo Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed oo Muqdisho ka furay tababar la xiriira abaabulka iyo dhisidda awoodda ururrada shaqaalaha

Isniin, April, 29, 2019 (HOL)-  Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee loo yaqaanno FESTU oo kaashanaya hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan shaqada adduunka ee ILO ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay tababbar socon doona muddo saddex maalin ah,iyadoo ay ka qeybgalayaan ku dhawaad 30 xubnood oo ka socda gobollada.

Tababarka ayaa muddada uu socdo waxaa lagu baran doonaa abaabulka iyo dhisidda  awoodda ururada shaqaalaha, arrinta oo muhiimad u leh ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed. Waxaa furitaanka ka qaybgalay masuuliyiin ka kala socdo hay’adaha QM iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayadoo ay ka hadleen madaxda ugu sarreysa Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Xoghayaha Guud ee Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed, Cumar Faaruuq Cusmaan ayaa ugu horrayn sheegay in tababarkan lagu doonayo sidii loo dhisi lahaa awoodda ururrada shaqaalaha, taas oo lagu gaarayo abaabul iyo u ol-oleyn xuquuqda aas-aasiga ah ee ururada shaqaalaha sida xaqqa ay shaqaalaha u leeyihiin in ay ururkooda dhistaan si madax-bannaan.

"Halkan waxaa isugu yimid xubno ka socda ururada shaqaalaha ee ku mideysan daladda guud ee FESTU oo ka yimid gobollada dalka iyo xubno ka socda iskaashatooyinka. Tababarkan muhiimad gaar ah ayuu u leeyahay shaqaalaha maadaama aan hadda xoogga saareyno ururo xoog leh oo u taagan difaaca xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed", ayuu yiri Cumar Faaruuq.

Mr. Mban Kabu oo ah sarkaalka sare oo tirsan hay’ada ILO ayaa sheegay inay kala shaqeynayaan Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU horumarinta shaqaalaha, kobcinta awoodda ururada shaqaalaha iyo kor uqaadidda aqoonta hoggaanka ururada shaqaalaha si loo helo ururro shaqaale oo leh awood ku filan.

Xoghayaha Joogtada ah ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya,Xasan Shariif Cusmaan oo tababbarkan furay ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay soo dhaweynayso dadaallada Xiriirka Ururada Shaqaalaha ay ugu jiraan dhisida awoodoodda si ay ugu qeyb qaataan horumarka dalka, gaar ahaan kuwa lagu horumarinayo shaqaalaha, wuxuu kula dardarmay xubnaha ka qeybgalaya tababbarka inay waxayaabaha ay ka faa'iidan kula laabtan deegaannada ay ka yimaadeen.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]