4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 29, 2019
Shirka kalluumaysatada Soomaaliyeed oo ka furmay Garoowe


Isniin, April, 29, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daah-furay shirka kalluumaysatada Soomaaliyeed oo uu ka qeybgalay wasiirka kalluumaysiga Soomaaliya iyo wasiirrada dowlad-gobolleedyada ee wasaaradda kalluumaysiga.

"Shirkan oo ay maal galiyeen Ganacsato reer Puntland ah ayaa waxaa lagu dhiiri galinayey ganacsiga kalluumaysiga iyo kalluumaysatada Soomaaliyeed, maadaama Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer Afrika loona baahan yahay in laga faa'iideysto khayraadka ku jira." ayaa lagu yiri war ay baahisay madaxtooyada Puntland oo shirka looga hadlay.

"Runtii sharaf wayn bay Puntland u tahay, shirkaan noocaan oo kale ah inuu qabsoomo, maxaa yeelay waa iftiin horleh oo dadka Soomaaliyeed uga gudbayaan marxaladdii ku dul noolaanshaha dadka kale oo ay u gudbayaan inay iyagu la soo baxaan noloshooda, horumarkooda ganacsi ka shaqeeyaan, mustaqbalkooda ay iftiimiyaan". ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo hadal ka jeediyay shirka.

Madaxweyne ,Siciid Deni oo la hadlayay ganacsatada oo shirkaan door muhiim ah ku lahaa qabsoomiddiisa ayaa ku ammaanay habkay isu taageerayaan, waxaa uu sheegay in horumarkoodu uu ku jiro hadba siday isu gacan-qabtaan, taas oo guud ahaan ganacsigoodu ku xiran yahay, isagoona Madaxweynuhu caddeeyay in xukuumadda  ay doorkeeda qaadaynayso, isla markaana ay diyaarinayso shuruucda iyo waxkasta oo lagu horumarin karo noocyada kala duwan ee ganacsiga.

Wasiirka Kalluumaysiga dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa sheegay dowladda inay dhiirrigalinayso horumarinta kalluumaysatada Soomaaliyeed, isagoo ku sheegay kalluumaysiga inuu fursad u yahay kobaca dhaqaalaha ee dalka.

Gabagabadii, Wasiirka Kalluumaysiga Puntland Faarax Cawaash ayaa furitaanka shirka ka sheegay shirkan inuu billow u yahay kulamo kale oo lagu dhiirrigalinayo kalluumaysiga, wuxuuna dhankiisa u mahadceliyay dhinacyadii soo qabanqaabiyay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]