3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 29, 2019
Maareeyihii Tiyaatarka Qaranka oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

 

Isniin, April, 29, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa xilka ka qaaday Maariyihii Golaha Muritada iyo Madaallada [National Tiyatar] Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure.

Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madaallada ayaa loo magacaabay Wariye Maxamed Abuukar Ma’da, oo ka mid ahaa Wariyayaasha TVga iyo Idaacada Qaranka muddo dheerna ku soo dhax jiray warbaahinta.

Mas’uulka xilka laga qaaday Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo ah agaasimaha Warbaahinta Kulmiye ayaa warar kala duwan lagu macneynayaa xil ka qaadistiisa.

Wararka qaar ayaa sheegay in Abwaan Guure uu eersaday war ku saabsanaa in uu xilka is casilayo ra’iisal wasaare Kheyre oo laga sii daayay Warbaahinta uu Agaasimaha ka yahay ee Kulmiye.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/29/2019 1:20 PM EST
Isniin, April, 29, 2019 (HOL)- Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee loo yaqaanno FESTU oo kaashanaya hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan shaqada adduunka ee ILO ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay tababbar socon doona muddo saddex maalin ah,iyadoo ay ka qeybgalayaan ku dhawaad 30 xubnood oo ka socda gobollada.

4/29/2019 1:00 PM EST
Isniin, April, 29, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray Imtixaanaadka Dugsiyada Hoose Dhexe ee Dalka ayaa tilmaamay in dowladdu ay dadaal muuqda gelisay dib u soo nooleynta waxbarashada dowliga ah.

4/29/2019 12:41 PM EST
Isniin, April, 29, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarunta madaxtooyadda Puntland ee Garoowe ku qaabiley wafdi uu hoggaaminayo safiirka dalka Masar ee Soomaaliya Ambassador Maxamed Ibraahim Nasar.

4/29/2019 10:26 AM EST
Isniin, April, 29, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daah-furay shirka kalluumaysatada Soomaaliyeed oo uu ka qeybgalay wasiirka kalluumaysiga Soomaaliya iyo wasiirrada dowlad-gobolleedyada ee wasaaradda kalluumaysiga.

4/29/2019 6:54 AM EST
Isniin, April, 29, 2019 (HOL)- Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay shir-weynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaalanka Xagjirnimada.

4/29/2019 2:46 AM EST
Isniin, April, 29, 2019 (HOL)–Askarigan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Xasan Maxamed ayaa ku eedeysnaa in horraantii bishii Janaayo ee sanadkan uu deegaanka Siinka Dheer ku dilay wade gaadiid oo lagu magacaabi jiray Maxamed Ismaaciil Qaboobe, islamarkaana dhaawacay qof rayid ah.

4/29/2019 1:51 AM EST
Isniin, April, 29, 2019 (HOL)–Ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ee ku sugan degmada Afmadow iyo nawaaxigeed ayaa xalay saqdii dhexe weerara qorsheeysan ku qaaday degmada Xagar ee gobolka J/hoose oo kamid ah degmooyinka ay gobolka ee Shabaab mudada dheer maamulayeen.

4/29/2019 1:12 AM EST
Isniin, April, 29, 2019 (HOL)– Saddex ruux oo kala ah Aabbaha iyo labo nin oo la dhashay ninkii looga shakisanaa weerarrada Sri Lanka ayaa ku dhintay howlgal ay laamaha amniga dalkaas ka fuliyeen meel ku dhow magaalada Kattankudy ee ku taalla dhanka bari ee dalkaas.

4/29/2019 1:02 AM EST
Isniin, April, 29, 2019 (HOL)–Shir dhinaca Badqabka Fikirka iyo la-dagaallanka xagjirnimada ah oo ay ka qeyb galayaan dalalka ku bahoobay ururka Iskaashiga Islamka ee OIC ayaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo caasimadda Muqdisho,sida laga soo xigtay guddiga diyaarinaya shirka.