4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 29, 2019
Shir heer caalami ah oo ka furmay magaalada Muqdisho

 

Isniin, April, 29, 2019 (HOL)- Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay shir-weynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaalanka Xagjirnimada.

Mudane Mahdi  oo hadal kooban ka jeediyay furi-taanka shirka ayaa sheegay in Fikirka xagjirka ah uu ku cusub yahay Soomaaliya,islamarkaana uu yahay aragti la soo dhoofiyay.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin dad nabada jecel,dhex dhexaadna ah shaqana ku lahayn Fikirka Xagjirka.

Sidoo kale, waxaa shirka Badqabka Fikirka iyo la dagaalanka Xagjirnimada ka hadlay mas’uuliyiin ka socday Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC),kuwaas oo sheegay muhiimadda ay leedahay in nabad lagu wada noolaado.

Shir-weynaha waxaa ka qeybgalaya 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka, 30 caalim oo ka socda wadamada Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]