4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 29, 2019
Muqdisho: Askari ku eedeeysnaa dilka qof shacab ah oo xukun lagu riday
Isniin, April, 29, 2019 (HOL)–Askarigan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Xasan Maxamed ayaa ku eedeysnaa in horraantii bishii Janaayo ee sanadkan uu deegaanka Siinka Dheer ku dilay wade gaadiid oo lagu magacaabi jiray Maxamed Ismaaciil Qaboobe, islamarkaana dhaawacay qof rayid ah.

Kiiskan ayaa xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida lagu wareejiyay isla bishii Janaayo si ay u waafajiso sharciga islamarkaana go’aan ay uga gaarto.

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in baaritaanno dheer oo ay sameeyeen kadib ay ogaadeen in askariga uusan ka tirsanayn ciidamadii ilaalada ka hayay deegaanka uu dilka ka geeystay, sidoo kalena ay u cadaatay in si jeesjees ah uu u rasaas ugu furay gaadiidka, taasoo sababtay dhimashada muwaadinka iyo dhaawaca soo gaaray qofka kale ee kamidka ahaa rakaabka.

Kiiska eedeeysanaha ayay maxkamaddu u fariisatay 22-ka bishan April, ayadoo maxkamadda la horkeenay cadeeymo muujinaya danbiga loo heysto eedeeysanaha iyo qofkii kamidka ahaa Rakaabka ee ku dhaawacmay shilka.

Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xuseen Maxamed oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ayaa warbaaahinta u sheegay in maxkamadda dhageeysiga dacwadda kadib eedeeysane Cabdullaahi Xasan Maxamed ku xukuntay dil toogasho ah oo uu ku muteystay dilka Marxuum Maxamed Ismaaciil Qaboobe.

Waxa uu intaa ku daray in eedeeysanuhu heeysto fursad kale oo uu ku dalban karo facfaan haddii uusan ku qancin xukunka ay ku riday maxkamadda.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.