4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 29, 2019
Shir looga hadlayo Xagjirka oo maanta ka furmaya Muqdisho

Isniin, April, 29, 2019 (HOL)–Shir dhinaca Badqabka Fikirka iyo  la-dagaallanka  xagjirnimada ah oo ay ka qeyb galayaan dalalka ku bahoobay ururka Iskaashiga Islamka ee OIC ayaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo caasimadda Muqdisho,sida laga soo xigtay guddiga diyaarinaya shirka.

Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)  ayaa iska leh qabanqaabada shirka oo ay ka qeyb galayaan ergooyin caalami ah, culumo Soomaaliyeed, wax garad iyo aqoon-yahan , waxaa  sidoo kale looga hadli doonaa amniga.

Muddo labo maalin ah oo shirka loo qorsheeyay inuu socdo waxaa hadal ka jeedin doona wakiillada dowladeed, xeel-dheerayaasha iyo khubarada arrimahan ,iyada waxa ugu weyn ee shirka diiradda lagu saarayo ay tahay ujeeddooyinka iyo farriimaha ku qotoma badqabka fikirka iyo la-dagaallanka xagjirnimada.

Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah siinaysa la-dagaallanka xagjirnimada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]