4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 28, 2019
Maydka haweeneey iyo ilmo yar oo laga helay guri kuyaal Suffolk

 

Axad, April, 28, 2019 (HOL) - Haweeneey 28 jir iyo wiil yar oo afar jir ah ayaa maydkooda laga helay guri kuyaal gobolka Suffolk ee dalka Ingiriiska.

Qof dadweynaha ka mid ah ayaa soo gudbiyey warka ku saabsan maydadka oo ku jiray dhisme ku yaal Park Avenue, ee magaalada Newmarket.

Qof goob jooge ahaa ayaa wargayska Newmarket u sheegay in haweenaydu ay guriga ka soo baxday ayadoo ooyaysa.

Dambi baare-yaasha ayaa baadhaya wixii dhaliyey dhimashadaas, Booliiska ayaa codsaday in ciddii wax xog ah ka haysa goobtaas ay la soo xidhiidhaan.

Afhayeen u hadlay booliiska Suffolk ayaa sheegay in aanay jirin cid ay ku raad joogaan oo ay la xiriirinayaan geerida dadkaas.

Mid kamid ah dadka dariska ah, oo ku nool meel aan sidaas uga fogayn goobta maydadka laga helay, ayaa yidhi: "Guriga ayaan imid abbaaro 20:00 fiidnimo saacadda Ingiriiska, boliiska ayaana xilligaas meel walba ku sugnaa".

"Habeenkii oo dhan halkan ayay joogeen, dambi baareyaal ayaana halkaan ku soo noq-noqonayey".

Waxa uu sheegay in uu haweenaydaas dusha uun uu ka yaqaannnay balse uu la hadlay hal mar oo kaliya.

Lammaane kale oo ku nool xaafadda Park Avenue, ayaa sheegay in ay arkayeen wiilka oo ku ciyaaraya barxadda gawaarida la dhigto oo halkaas ka dhawayd.

"Guryo badan oo kiro ah ayaa kuyaal xaafaddan, sidaas darteed dadku way yimaadaan wayna baxaan," ayay yiraahdeen.

Nin waayeel ah oo halkaas daggan ayaa intaas raaciyey " 60 sano ayaan halkaan dagganaa xaafaddana waxaa ay ahayd mid aad u daggan oo wax dhib ah aanu ka jirin. 

Xigasho BBC