4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 27, 2019
Deni oo sheegay Puntland inay wal wal ka qabto sida dalka loo maamulayo, sheegeyna shir wada-tashi ah inuu ka dhacayo Garoowe

Sabti, April, 27, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa saxaafadda kula hadlay xarunta madaxtooyadda ee ku taalla duleedka Garoowe, isagoo arrimo badan ka hadlay.

Deni ayaa ugu horreyn ka warbixiyay socdaalkii qaatay saddexda toddobaad ee uu ku tagay Imaaraadka Carabta iyo Kenya ,halkaa oo uu kullamo ku qaatay , wuxuu sheegay kullamada inay ku soo dhammaadeen guul.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay xaaladda dalka, isagoo marka sheegay Puntland inay wal wal ka qabto sida dalka loo maamulayo, wuxuu yiri "Waxaan aragnaa dastuurkii oo laga tallaabsaday, maamulkii dalka oo la gacan bidixeeyey, waxaa noo muuqata khatar in uu dalka ku sugan yahay, dowladda federaalku waxay ka tallaabsatay wixii lagu heshiiyey waxayna caalamka ka dhaadhicisay in dalka iyaga uun ay maamullaan oo iyaga uun la xoojiyo iyaga oo amnigii Maka Al-Mukarama ka adkaan waayey marka Xamarta guud laga soo tago, waxaan dood ka qabnaa habka wax qeybsiga iyadoo wixiiba la qeybsaday ayaa naloo yeedhaa".

"Guddoomiyaha bangiga dhexe reer Puntland ayaa xaq ulahaa nin hayb ah ayaa laga qaaday isla heybtii ayaa lasiiyey, annaga waan ogol nahay tartan furan lakin waxaa la qaatay nin dadkii dadka xulayey ah oo aan reer Puntland ahayn arrintaas cabasho ayaan ka qabnaa mana aha waxaan qaadan karno, sidaasna dalka kuma sii soconkaro saxna maaha". ayuu raaciyay.

Madaxweyne Deni ayaa dhinaca kale sheegey in shir weyne ay kasoo qeybgalayaal madaxweyne Farmaajo ,Ra'iisal wasaare Kheyre iyo madaxda dowlad-gobolleedyada Garoowe lagu qabanayo 2 bisha May ee sannadkan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]