4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 27, 2019
Xaafadda cusub ee Cagaaran oo laga dhagax dhiggay duleedka magaalada Boosaaso

Sabti, April, 27, 2019 (HOL) – Mashruucii ugu horreyay ee dhismayaasha xaafadaha iyo adeegyada kale ee bulshada ayaa maanta laga dhagax dhiggay duleedka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Mashruucan oo loo arko inuu yahay mid deegaanka waxbadan ku soo kordhinaya ayaa loo dhisi doonaa hab casri ah, sida ay mas'uuliyiintu sheegeen, waxaana dhismaha xaafaddan iska-kaashannaya qurba-joog Soomaaliyeed oo maalkooda ku bixinaya horumarinta dalka.

Xafladda lagu dhagax dhigayey xaafaddan cusub waxaa ka soo qayb-galay xubno katirsan golaha xukuumadda Puntlan , maamulka gobalka Bari kan degmada Boosaaso , Isimmo , siyaasiyiin xilal kala duwan Soomaaliya ka soo qabtay ,waxgarad iyo dadweyne kala duwan , kuwaas oo aaad u soo jiidatay nidaamka cusub ee loo qorsheeyey in xaafadda Cagaaran ee Boosaaso loo dhiso .

Guddoomiyaha degmada Boosaaso, Cabdisalaam Bashiir Cabdisalaam , gudoomiyaha gobalka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado , Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud ee Puntland Axmed Cirro iyo Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan ayaa soo dhaweeyey xaafaddan cusub , iyagoona qurbajoogta Soomaaliyeed ee mashruucaan hirgelinaya u balan qaaday wadashaqayn joogto ah .

Eng Cabdimahad Siciid Cali kawir oo ah injineerka xaafadan cusub ayaa sharraxaad ka bixiyey dhismayaasha xaafadaan noqon doonaan , wuxuu sheegay xaafaddan inay yeelan doonto dhammaan adeegyada ay bulshada u baahanyihiin.

Aqoonyahan Faysal Cabdi Rooble oo  madaxa mashruuca ayaa sheegay in xaafaddan cusub inay tilmaam ka bixinayso isbeddelada horumar ee dalka uu gaarayo, isagoo sheegay qorshaha xaafaddan inay tahay sidii loo heli lahaa dhismayaal iyo adeegyo bulsho oo hab casri ah loo dhisay.

Gabagabadii,Cabdisalaam Cismaan Yuusuf oo kamid ah aasaasayaasha mashruucaa xaafadda Cagaaran ee Boosaaso ayaa sheegay in mashruucan uu ka mid noqon doono kuwa ugu ballaaran ee dalka ay ka hirgalinayaan qurbajoogta Soomaaliyeed.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]