4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 27, 2019
Kenya oo xiriir diblomaasiyadeed la yeelaneysa Somaliland

 

Sabti, April, 27, 2019 (HOL) –Dowladda Kenya ayaa sheegtay kuna dhawaaqday in xiriir diblomaasiyadeed la yeelaneyso Somaliland kaddib wakiil cusub oo markii ugu horeysay Kenya u qaabilsanaan doona xiriirka labada dhinac.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma ayaa ku wargalisay Mr Philip Mundia Githiora oo ah Agaasimaha Wasaaradda inu u abuuro xiriir dublomaasi oo dhexmara Somaliland iyo dowladda Kenya, islamarkaana uu diyaariyo halkii uu ku shaqeyn lahaa Wakiilka cusub.

Monica Juma ayaa ayaa kulan la qaadatay Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Cumar Baashe oo ay arintan ka wada hadleen.

Dowladdaha Jabuuti , Itoobiyaa ayaa ku leh magaalada Hargeysa Qunsuliyado u shaqeeya qaab Safaaradeed, waxaana ay Kenya ku biireysa labada dowladood ee hray wakiilada ugu soo dirsaday magaalada Hargeysa

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]