4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 27, 2019
Madaxweynihii hore ee Itoobiya oo geeriyooday

 

Sabti, April, 27, 2019 (HOL) – Madaxweynihii ee dalka Itoobiya Dr Nagaaso Gidaada ayaa lagu waramayaa in uu ku geeriyooday dalka Jarmalka.

Dr Nigaaso Gidaada oo in mudda ahba xanuunsanaa waxaa lagu dabiibayey Isbitaal ku yaalla dalka Jarmalka.

Dr Nagaaso Gidaada ayaa 1995-kii soo noqday madaxweynihi ugu horreeyey ee dowladda Federaalka Itoobiya, xilligii ay xoogagga EPRDF oo uu hoggaaminayey Meles Zeenaawi ay la wareegeen talada dalka Itoobiya wuxuuna xilka Madaxweynanimada uu soo hayey 7 sano.

Doorashadi dalkaasi Itoobiya ka dhacday 1995-kii ayaa mudane ka tirsan golaha wakiillada shacabka Itoobiya looga soo doortay Gobolka Dambi Dolo isaga oo shaqsi ahaan iisu soo sharraxay oo aan xisbi siyaasadeed ku tiirsaneen.

Nagaaso Gidaada laga billaabo dhalinyarnimadiisi wuxuu door-weyn uu ku lahaa siyaasadda dalka Itoobiya gaar ahaanna halgankii siyaasadeed ee dowladdi Mengiste xilka looga tuuray..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]