4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 27, 2019
Hormuud oo deeq waxbarasho siisay Ardey Soomaaliyeed


Sabti, April, 27, 2019 (HOL) – Shirkadda Isgarsiinta ee Hormuud Telecom ayaa ku soo bandhigtay magaalada Muqdisho Deeqo Waxbarasho oo ay ka faa’iideyan doonaan Ardayada Soomaaliyeed ee dhammeysa dugsiyada sare ee dalka.

Ujeedka Barnaamijkan deeqda Wax-barasho ee Hormuud Telecom ayaa ah in ay kaqayb-qaadato kor u qaadidda iyo kobcinta aqoonta ardaya Soomaaliyeed ee dhammeysta dugsiyada sare, deeqda waxbarasho ee ay soo bandhigay Hormuud ayaa ah heer jaamacadeed iyada oo guud ahaan ardayda dhammeysa dugsiyada sare ay kaqaybgeli karaan islamarkaana heli karaan deeqadan waxbarasho, ardayada buuxisa shuruudaha ku xiran helidda deeqadan ayaa ah kuwa sida buuxda uga faa’iideysan doona deeqda waxbarasho.

Madaxa Hey’adda Hormuud Telecom Foundation oo ah garabka shirkadda Hormuud u qaabilsan Gargaarka Bani’Aadanimada Cabdullaahi Nuur Cismaan oo Daah-furay munaasabadda looga dhawaaqayey Deeqdan wax barasho ayaa ku dhawaaqay in 120 Arday oo heerka 1aad ee jaamacadda ah ay ka faa’iideysan doonaan Deeqdan waxbarasho Sanadkasta, wuxuuna sharraxay habka loo qaadanayo ardayda ka faa’iideysaneysa deeqaha wax-barahso ee Hormuud, isagoo sheegay in imtixaan lagu gelayo 11 maaddo, kaas oo ay ka qayb-gelayaan labada boqol ee Arday ee ugu sarreysa imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare iyada oo dufcadda ugu horreysana laga qaadan doono tiradaas labada boqol ah.

Soo bandhigga Barnaamijkan deeqda waxbarasho  ee  Hormuud waxaa kaqaybgalay Wasiirro, Xildhibano, agaasimayaal, gobolka Banaadir, culimo, ganacsato, ururada bulshada iyo marti  badan oo kala duwan

Basma Caamir guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir oo ka hadashay munaasabadda ayaa sheegtay in ay Barnaamijka deeqada waxbarasho ee Hormuud uu yahay mid muhiimad gaar ahaaneed u leh dadka Soomaaliyeed ayna gobol ahaan dhiirrigelinayaan shaqada iyo howlgalka Hormuud, waxa ay sheegtay u soo jeedisay Hormuud in ardayada aan helin waxbarashada heerka jaamacadda ee kaqalin jebisay dugsiyada sare xilli hore ay muhiimad gaar ahaaneed siiso Ardaydaas.

Jawaahir Baarqab oo kuhadashay magaca haweenka gobolka Banaadir ayaa sheegtay in ay haween ahaan aad ugu faraxsan tahay kaalinta horumarinta waxbarashada iyo soo bandhigidda Barnaamijka deeqada waxbarasho oo ay sheegtay in ay door muhiim ah ka qaadan doonto dhiirrigelinta waxbarashada dugsiga illaa Jaamacadda.

Guddoomiyaha shirkadda Hormuud Cabdikariin Kaariye ayaa sheegay in barnaamijkan deeqda waxabrasho uu qayb ka yahay barnaamijyada lagu taakuleynayo laguna taageeryo dadka iyo dalka Soomaaliyeed, isaga oo kahadlayey dhinaca dumarka ayuu sheegay in dhammaan xarumaha waaweyn ee Hormuud ay dumarku ka shaqeeyaan isaga oo xusay in 158 qof oo ah shaqaale ka geeriyooday ama ka duqoobay Hormuud kuwaas oo lagu beddelay dad ay keensadeed qoyskoodu ay 42 kamid ah ay yihiin dumar.

Cabdikariin Kaariye Guddoomiyaha shirkadda Hormuud ayaa kasheegay munaasabadda in tayeynta iyo hagaajinta jaamacaduhu ay dabooli karto baahida guud ee dhinaca waxbarashada kahaysata guud ahaan dalka.

Eng Cabdi Cashuur Xasan wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda ayaa sheegay in Hormuud Telecom ay kadhabeysay magaca ay sidato ee Isgaarsiineed isaga oo weydiistay Hormuud in dhallinyaro badan oo halabuur iyo waxbarasho fiican leh ay la’yihiin meel ay kusoo bandhigaan hal-abuurkooda sidaas awgeedna ay u baahan yihiin dhismaha meel ay kusoo bandhigaan hal-abuurkeeda, isaga oo kudhiirrigeliyo shirkadaha kale in Hormuud tusaale u noqoto si iyaguna ay kaalintooda u qaataan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

.