3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 27, 2019
Dhalinyarro Oromiya iyo Canfarta ka kala yimid ayaa lagu soo dhaweeyay Jigjiga

 

Sabti, April, 27, 2019 (HOL) – Waxaa caasimadda Deegaanka Soomaalida ee Jigjiga soo gaadhay dhalinyaro ka kala timid degaanada Oromiya iyo Canfarta, dhalinyaradan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Jigjiga, soo dhawaynta ayaa waxaa ka qayb qaatay dhalinyarada degaanka Soomaalida.

Haddaba dhalinyartan degaanka timid ayaa socdaalkoodan ahaa mid Nabad galyo oo lagu midaynayo Soomaalida, Oromada iyo Canfarta, waxayna socdaalkoodani ugu magacdareen dhalinyartani Socdaalkii Nabadda iyo Midnimadda ee ilmo Kushitik, oo la isku yidhaahdo Soomaalida, Oromada iyo Canfarta.

Socdaalkan ay dhalinyartani degaanka ku timid ayaa la filayaa in uu wax badan ka badali doono xidhiidhka qowmiyadahan oo waayadii u dambaysay iska xumaa.

 

Dadka degaanka u dhashay ayaa siyaabo kala duwan u arka imaatinka dhalinyaradan Oromiya iyo Canfarta ka socda, iyagoo qaarkood ay soo dhawaynayaan oo ay leeyihiin waa tallaabo fiican oo horseedi karta in la isku soo dhawaado, halka kuwa kale ay leeyihiin Soomaalida waa la dagayaa waana damiir xumo in dadkii shalay laayay dadkeena hadana aynu soo dhawayno, waa hadalada la isla dhex marayo Jigjiga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
4/27/2019 5:15 PM EST
Sabti, April, 27, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa saxaafadda kula hadlay xarunta madaxtooyadda ee ku taalla duleedka Garoowe, isagoo arrimo badan ka hadlay.

4/27/2019 4:44 PM EST
Sabti, April, 27, 2019 (HOL) – Mashruucii ugu horreyay ee dhismayaasha xaafadaha iyo adeegyada kale ee bulshada ayaa maanta laga dhagax dhiggay duleedka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

4/27/2019 2:30 PM EST
Sabti, April, 27, 2019 (HOL) –Dowladda Kenya ayaa sheegtay kuna dhawaaqday in xiriir diblomaasiyadeed la yeelaneyso Somaliland kaddib wakiil cusub oo markii ugu horeysay Kenya u qaabilsanaan doona xiriirka labada dhinac.

4/27/2019 1:40 PM EST
Sabti, April, 27, 2019 (HOL) – Madaxweynihii ee dalka Itoobiya Dr Nagaaso Gidaada ayaa lagu waramayaa in uu ku geeriyooday dalka Jarmalka.

4/27/2019 1:25 PM EST
Sabti, April, 27, 2019 (HOL)–Shirkadda Isgarsiinta ee Hormuud Telecom ayaa ku soo bandhigtay magaalada Muqdisho Deeqo Waxbarasho oo ay ka faa’iideyan doonaan Ardayada Soomaaliyeed ee dhammeysa dugsiyada sare ee dalka.

4/27/2019 10:32 AM EST
Sabti, April, 27, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wafti balaadhan oo uu hogaaminayo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender.

4/27/2019 8:04 AM EST
Sabti, April, 27, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dib ugu laabtay magaalada xarunta ah ee Garoowe, Sabtida maanta ah, kaddib socdaalkii ugu horreyay ee uu dibadda u aaddo oo muddo saddex toddobaad ku dhow qaatay.

4/27/2019 7:10 AM EST
Sabti, April, 27, 2019 (HOL)–Xildhibaan Cali Sheekh Cabdullaahi Afgooye ayaa ku soo baxay doorasho ka dhacday maanta magaalada ee xarunta gobolka Baay iyadoo aysan jirin cid la tartantay.

4/27/2019 5:51 AM EST
Sabti, April, 27, 2019 (HOL) – Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay in uu baaqday kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka kaddib markii ay soo xaadir waayeen tiradii loo baahnaa in uu ku furmo kulanka.

4/27/2019 12:54 AM EST
Sabti, April, 27, 2019 (HOL) –Wararka ka imanaya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada nabad-sugida maamul gobolleedka Jubbaland gacanta ku dhigeen walxaha qarxa.

4/27/2019 12:45 AM EST
Sabti, April, 27, 2019 (HOL) – Wafdi uu horkacayo Wasiirka Wasaarradda Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa qeyb ka ah wafuud heer caalami ah oo ka qeybgalaya shirka kaabayaasha dhaqaalaha oo maalintii shalay ka furmay magaalada Beijing ee dalka China.

4/27/2019 12:27 AM EST
Sabti, April, 27, 2019 (HOL) – Booliska Sri Lanka ayaa sheegay inay rasaas iswaydaarsadeen koox hubaysan oo ku sugan bariga dalka xilli ciidammadu ay baarayeen dadkii ku lugta lahaa qaraxyadii Axaddii.

4/27/2019 12:13 AM EST
Sabti, April, 27, 2019 (HOL) –Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo dhinaca cirka oo ka dhacay deegaanka Cameyra ee degmada Iskushuban ee gobola Bari, halkaasoo la rumeysan yahay in ay ku sugnaayeen kooxo katirsan ururda Daacish iyo Al-shabab oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay uu dagaal ku dhex marayey dhulka buuraleyda ah.